Dibadbaxyo waaweyn oo ka dhacay deegaanada Ahlusunna

Dibadbaxyadani oo ahaa kuwa ballaaran ayaa maanta siyaabo kala duwan waxa ay uga dhaceen deeeganada Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlsunna Waljamaaca.

Waxaana looga soo horjeeday qaraxii xooganaa ee Sabtidii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Degmada Hodan.

Boqolaal dadweyne ah, Arday iyo madaxda Ahlusunna ayaa isugu soo baxay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kuwaas oo  si weyn uga xumaa mashaqdii dhawaan ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Sheekh Abuukar Sheekh C/laahi Libaan oo ka mid madaxda Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlsunna, kana qeyb galay dibadbaxa ayaa sheegay in ay qaadi doonaan dagaal ka dhan ah Al Shabaab, si looga saaro deegaanada Maamulkaasi.

Waxaana uu ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan dagaalka lagula jiro Al Shabaab oo uu tilmaamay in ay muhiim tahay in laga saaro dalkoo dhan, sida uu hadalka u dhigay.

Qeybo badan oo ka mid ah dalka ayaa waxaa maanta ka dhacay dibadbaxyo waa weyn oo looga soo horjeedo xasuuqii Zoobe  o Qofkasto oo Soomaali ah ku reebay xanuun iyo murugo tiraanyo leh.