DEGDEG: Xildhibaan caawa lagu dilay Kismaayo

Koox hubeysan ayaa fiidnimadii caawa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland waxa ay ku dileen xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Warkan Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho waxaa u xaqiijyay Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Jubbaland Sheekh Cabdi, oo dilka kadib inala hadlay.

Xildhibaanka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/xakiin Jaamac Cilmi (Tima-Faras), waxaana lagu dilay isagoo fadhiya Xaafada Calanleey ee Magaalada Kismaayo, gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn hoygiisa.

Dabley Bastoolado ku hubeysnaa ayaa la sheegay in xildhibaanka ay ka toogteen qeybaha sare ee jirkiisa, taasi oo sababtay in isla goobta uu ku geeryoodo, iyada oo raggii hubeysnaa ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamo hubeysan oo ka tirsan kuwa ammaanka maamulka Jubbaland ayaa waxa ay soo gaareen goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka qaaday Meydka Marxuum Xildhibaan (Tima-Faras).

Laamaha ammaanka maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaanada ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggii dilka geystay, iyaga oo kaashanaya shacabka.