Daawo: Maryan aabaheed wuxuu u yimid qalin jebinteeda, laakiin wuxuu ka qeeb galay duugisteeda

Maryam Cabdullaahi oo 25 jir ah ayaa ahayd ardayad caafimaad ka baratay Jaamacadda Banaadir ee Magaaalada Muqdisho, waxayna u diyaargaroobaysay in ay qalin jabiso Axaddii.

Aabeheed oo UK ku noola ayaa Muqdisho u safray si uu uga qaybgalo qalinjabinteeda, balse taaas badalkeeda aaskeeda ayuu ka qaybgalay.

Anfac Cabdullahi Maxamed oo la dhalatay Maryam ayaa tiri, “Lambarkeeda ayaan wacay, markii koobaad waa la iga qaban waayay, waan ku celiyay, wiil baa iga qabtay, wuxuuna igu yiri Alle ha u naxariisto gabadhii lambarkan lahayd waa mayd waxayna taallaa hotel ku yaalla Soobe hortiisa.”

“Qoyska aad buu uga murugooday. Aniga waxaa murugada iiga daran waalidkeyga; aabe iyo hooyo. Alle qalbigooda ha u wanaajiyo,” ayey tiri Anfac Cabdullahi.

“Aaabe wuu soo socday, wuxuu deganaa Britain Maanta ayuu ku soo aadanaa in uu Xamar ka soo dego, laakiin maysan dhicin in uu nolol ugu yimaado ee geerideeda ayuu ku soo aaday, gacmihiisa ayuuna ku soo aasay,” ayey hadalkeeda ku dartay Anfac.

“Maryam waxay ahayd qof ku deyasho mudan oo dadaalkeeda iyo howlkarnimadeeda ay ku beereen in ay jeclaato in ay dadka caawiso,” ayey sheegtay Anfac.

Maryam waxay ka shaqeyneysa cisbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxayna shaqo bilowday intii ay jaamacadda dhiganeysay.
“Waxay qorsheyneysay in ay bilowdo tababar ku saabsan taqasuska Hooyada iyo Dhallaanka iyo qalliinka la xiriira.

Waxay dooneysay in ay bilowdo ka dib xafladda qalinjebinteeda. waxay ahayd qof hammi leh,” ayey hadalkeeda ku dartay Anfac oo la dhalatay Maryam Cabdullaahi.

Xigasho: BBC

Maryan Cabdullaahi, waxa ay dhameysatay kulliyadda caafimaadka, maalmo ka hor qalin-jibinteeda ayey ku dhimatay qaraxii Muqdisho. Wariyaha BBC AliNur Salaad ayaa booqday qoyska Maryan oo la Kulmay aabaheed oo Ingiriiska uga soo safray in uu xafladda qalin jebinteeda ka qeyb qaato, http://bbc.in/2zi8DMz

Posted by BBC News Somali on Tuesday, October 17, 2017