Banaanbax ballaaran oo ka socdo Magaalada Muqdisho

Banaanbaxan oo ah mid ballaaran ayaa waxa uu ka socdaa Wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana looga soo horjeedaa qaraxii sabtidii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee degmada Hodan, kaas oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 300 oo ruux.

Boqolaal dadweyne oo isugu jira Dhalinyaro, Haween iyo arday ayaa ka qeyb galaya Banaanbaxa, kuwaasi oo ku qeylinayo erayo ka dhan ah Xasuuqii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow “Ducaale” oo banaanbaxayaasha kula hadlay Isgoyska Zoobe oo ah halka qaruxu ka dhacay ayaa u mahadceliyay dibadbaxayaasha.

Waxaana uu sheegay in Galabta madax ka tirsan dowladda ay ka soo soo qeyb gali doonaan banaanbaxaasi oo loogu Baroor Diiqayo dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii 14 kii bishan ka dhacay Zoobe.