Militeriga Maraykanka oo sheegay inay diyaar u yihiin inay garabsiyaan dowladda Soomaaliya.

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin taageerada ay siinayaan dowladda Soomaaliya, kadib markii ugu yaraan 276 qof lagu dilay Gaari sida Waxyaaba Qarxa oo ku qarxay Isgoyska Wadada Zope ee Magaalada Muqdisho.

“Waxaan diyaarineynaa inaan taageerno dawladda Soomaaliya marka ay na waydiisato inaan taageerno,” ayuu yiri afhayeenka Pentagon oo sheegay inay qorsheynayaan waxa aan bixin karno.
Milatariga Maraykanku wuxuu leeyahay 400 oo ciidamo ah oo jooga Soomaaliya oo tababar siinaya iyo talooyin loogu talagalay ciidammada Soomaaliya iyo sidoo kale taageero tayo leh.

Maraykanku wuxuu taageersan yahay dagaalka ka dhanka ah kooxda mucaaradka ee kooxda alshabaab, oo la aaminsan yahay inay ka dambeysay qarax ka dhacay Sabtidii.

Dhanka kale ma jirto wax dhibaato ah oo ka soo gaaray qof Maraykan ah qaraxii ka dhacay Muqdisho gaar ahaan Isgoyska wadada Zope oo ah deegaan aad mashquul badan, halkaasi oo ay ku yaaliin Goobo ganacsi sida dukaamo, Hoteelo iyo ganacsiyo kale.