isusoobax baroor-diiq ah oo lagu qabtay gobolka Sörmaland Sweden

Tv-ga gobolka Sörmland ee wadanka  Sweden oo aan maanta lagu casumey isu soobaxii baroor-diiqda iyo kulankii tabarucaada dadka ku waxyeeloobey Muqdisho ayaa aad looga hadlay dhibta gaaray dadka soomaaliyeed.

Isu soobaxa ayaan lagu qabtay faras-magaalaha xaafada soomaalida ee Fröslunda ” Hablaha ayaa weer guduudan iyo wiilasha ayaa weer guduudan soo xidhay. Kaasoo muujinaaya tacsi, dhiig iyo xanaaq loo qabo kuwii waxyeelada geystey.

Waa isu soo baxeen dhamaan jaaliyada soomaaliyeed iyo saaxiibadoooda swedishka ah si ay u muujiyaan sida ay uga xun yihiin gumaadkii muqdisho. Waxaa ay ku baaqeen in tabarucaad loo fidiyo dadkaas, waxaa ay dowlada sweden weydiisteen iney dadka dhibtu gaadhay caawintu.

Waxaa kaloo ay ku dhaarteen iney argagixisada ka adkaan doonaa”
Sidaa waxaa caawa yidhi teleefishanka gobolka aan ku noolahay ee sörmland, sweden.

Hadaan nahay jaaliyada soomaaliyeed ee Eskilstuna, waxaa sharaf noo ah inaan walalaheen garab istaagno.