Duqayn xoogan oo xalay lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Degaanka Aw-dheegle ee Gobolka Sh/Hoose wararka aan ka helayno ayaa sheegaya in Gaari ay saarnaayeen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab xalay lagu Dhuftay Gantaal ay soo ridday Diyaarad Nuuca Dagaalka ah, waxaana halkaas la sheegay inay ku dhinteen Saraakiishii ka tirsaneyd Al-Shabaab ee la Bartilmaameedsaday.


Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in Dhamaan la dilay Dadkii Saarnaa Gaariga ay la socdeen Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab,waxaana sidoo kale jira Khasaare soo gaaray Dad Shacab ah oo Goobta ka dhawaa.
Illaa Afar Qof oo Shacab ah ayaa Dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Daarul-Shifa Ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Dhanka kale Duqeynta ayaa imaaneysa maalmo kadib markii Qaraxa lagu Hoobtay uu ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.