Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay Xogtii ugu dambeysay Khasaaraha Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zope

C/rxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Gurmad Qaran ayaa soo bandhigay Xogtii ugu dambaysay khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.


Wasiirka ayaa sheegay inay korortay Tirada dhimashada isagoo sheegay inay hada mareyso 281, halka dhaawaca ku dhawaad uu marayo 300, Wuxuuna sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay bixisay lacag gaareysa Hal Milyan oo Dollar oo lagu caawinayo dadkii dhibaatada ka soo gaartay qaraxaasi.

“Dowlada Qatar ayaa diyaarad u soo dirtay Magaalada Muqdisho, taas oo lagu qaadi doono Dhaawacyada culus, iyadoo la geyn doono dalka Suudaan halkaas oo lagu daweyn doono, waxaana dhaqaalaha ku baxaya bixinaya dowlada Qatar” ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Dhanka kale Taliyaha Ciidamada Asluubta Xuseen Xasan Cismaan ayaa sheegay inuu bixiyay lacag dhan 2,000 oo Dollar, uu ugu tala galay inuu kaga qeyb qaato gurmadka loo sameynayo dadka waxyeelada soo gaartay.