Al shabaab oo gudaha u galay Degmada Laas qoray ee Gobolka Sanaag

wararka naga soo gaaray Magaalada laas qoray ee gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay galeen Gudaha Magaaladaas.

Magaalada laas qoray oo ah Magaalo Xeeb leh ayaa la sheegay in Ciidamo ka tirsan Shabaab oo ka yimid Buuraha Galgala ay tageen kuwaas oo Goob fagaaro ah Bulshafa Magaalada ugu khudbeeyay.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in Al-Shabaab ay Saacado kooban joogeen halkaas kadibna ay dib uga laabteen.

Masuuliyiinta Maamulka Magaalada laas qoray ee Puntland weli kama hadlin tegi taanka Al-Shabaab ee Magaalada laas qoray.

Dhanka kale Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay  in ay Heegan Sare gelisay Ciidamada Puntland ee jooga Magaalooyinka Gaalkacyo,Garoowe iyo Boosaaso si ay uga hortagaan in Puntland uu ka dhaco Qarax la mida kii lagu Xasuuqay Shacabka Muqdisho iyo weeraro qorshesan.

Taliyaha La Dagaalanka Argagixisada Puntland Gen Muxuyadiin Axmed Muuse oo la hadlay Warbaahinta Puntland ayaa sheegay in Heegan la geliyay Ciidamada Puntland islamarkaana ay ka Fiijigan yihiin Weeraro Qaraxyo ah oo ay Al-shabaab la beegsadaan Degaanada Maamulka Puntland sida uu hadalka u dhigay.