Yuusuf Jeego oo ka mid shaqaalaha Safaarada Soomaaliya ee Turkiga oo u sharaxay Dowladda Turkiga dhibta jirta

Sarkaalka oo ah u qeybsanaa Ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiya ayaa warbixil tafaf-tiraa u gudbiyay Masuuliyiinta Dalkaasi wuxuuna shir jaraaid ay ku wada qabteen garoonka dayuuradaha ee Stanbul isaga iyo Wasiirka Caafimaadka dalkaasi iyo kooxdaasi Dhaqaatiir ah.

Yuusuf Jeego oo galangal weyn ku leh dalkaasi ayaa si weyn isugu xilqaamay suuragalinta iyo dhiirigalinta in gurmad balaaran oo walaalaheens Turkiga ay noosoo diraan.

Runtii yuusuf wuxuu mudan yahay in lagu amaano dadaalka wax ku oolka ah ee uu muujiyay waxaana Dowladda iyo madaxdeeni sare waajib ku ah iney saraakiisha howshaasi oo kale qabatay iney ku abaalmariyaan sidi yuusuf oo kale.

Aniga Yuusuf Jeego waa uu dadaalay  shaqada uu Ummadda Soomaaliyeed ee dhibaateysan uu u qabtay.

Yuusuf Guuleyso walaal halkaada ka sii wad dadaalka gurmad loogu gurmanaayo shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan dadkii waxyeelada kasoo gaartay Qarax ii Zoobe.