Wararkii ugu dambeeyay ee xalay iyo waxa kasoo kordhay mashaqadii Muqdisho… Ducada aan badino yaa rabbi

• Gabadhaan sawirka ka muuqata Farxiya Muxudiin oo reer Waabari ah ayaa kamid ah gabdhihii la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen musiibadii dhacday 😭

• Inka badan 247 qofood ayaa caawa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen weerarkii naxdinta badnaa ee ka dhacay Muqdisho.

• Ku dhowaad 303 qofood ayaa wali ku jira isbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo wali la xanuunsanaya dhaawacyada kala daran ee soo gaaray

• Qoysas badan ayaa wali meydka dadkooda aqoonsan kari weysan. Ra’iisul Wasaare Kheyre wuxuu yiri “maanta waxaan arkay hooyo leh wiilkeeyga meydkiisa miyaan aqoonsan waayay

• Waqtigaan oo habeen ah waxaa soconaya gurmad loo fidinayo dad laga shakisan yahay in ay ku hoos jiraan dhismooyinka burburay hoostooda

• Caawa Qof aan wali si wanaagsan loo aqoonsan ayaa laga soo dhex saaray dhagxaan culus hoostooda sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Banaadir Thabit Abti.

• Isbitaalada marka aad booqato waxaa hubaal ah in ilbiriqsi gudahood aad ku ilmeyn doonto.

• Xafiiska Ra’iisul wasaare warqad caawa kasoo baxay waxaa lagu sheegay in isbuuc murugo leh lagu jiro, loona baahan yahay macalimiinta, ardayda iyo dhamaan shaqaalaha dowlada in ay yimaadaan meelaha u baahan gurmadka

• Qof indhihiisa ku arkay qaraxa markuu dhacayay ayaa wakaalada Reuters u sheegay in 40 sano uu xamar dagnaa uusan waligiis arkin dhibaatada ka dhacday Zoobe oo kale. Wuxuu ku tilmaamay aduunyo gadoon

• Waxaa jira dad badan oo waliba aad u badan oo raadinaya dadkooda oo nolol iyo geeri ay ku weysan yihiin.

• Gabdho, wiilal dhalinyaro ah iyo caruur ayaa la weysan yahay. Ma nool yihiin? ma dhinteen? dhagxaanta hoostooda miyey ku jiraan? lama oga, waana dareen xanuun xambaarsan qof ehelkaaga oo aadan meel ku sheegin

• Maanta dhiig aad u badan ayey deeqeyn shacabka Somaliyed ee Muqdisho oo ka kala yimid dhamaan degmooyin gobolka Banaadir

• Lakin Wali waxaa la weysan yahay dhiiga noociisa uu yayay -AB, -OB iyo AB.

• Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay in barito aas qaran loo sameyn doono boqolaal meyd ah oo ku jira isbitaalka Madina

• 10 Milyan ayuu Turkiga ugu deeqay dadka dhibaatada kasoo gaartay Somaliya, halka Madaxweyne Erdogan uu sheegay inuu la xanuunsanayo dhibaatada soo gaartay reer Somaliya

• Dhibaatooyinka qaraxan uu sababay ayaa keentay in qoysas badan ay tacsi u taalo haba kala xanuun badnaatee. Wiilal walaalo ah iyo gabdho badan oo mustaqbal kulahaa dunidan ayaa ruux baxay

• Waa dhacdadii ugu darneed, ugu xumeed, ugu dareenka badneed, uguna dhimasho badneed inta dhacdo ee Somaliya soo martay

• Calanka Turkiga ayaa hoos loo dhigay. Waxaana saacadaha soo socda Muqdisho soo caga dhigan doonta diyaarad sida gargaar iyo diyaarad kale oo qaadi doonta walaalaha qaba dhaawacyada halista

• Sheekh Maxamed oo kamid ah culimada Somaliyed ayaa shacabka u sheegay in kaliya ay u duceeyaan walaalihii geeriyooday oo laga yaabo in caawa ay u baahan yihiin duco

• Barito Shacabka Muqdisho ayaa isku imaan doona, si ay uga qeyb galaan aaska qaran ee loo sameynayo walaalihii geeriyooday oo laga yaabo in hal xabaal lagu aaso, madama ay shahiideen

• Waan ogahay qormadaan hadii aad aqrisay inaad ka ooysay qalbiga lakin anigaba intaan qorayay waan murugeysnaa

Please hadii aad dareen damqasho leedahay u duceey masaakiinta xaqdarada lagu dilay iyo kuwa naga dhaawacan..

Allow u naxariiso, allow qabriga u waasici, allow shahiid ka dhig, allow kuwa dhaawacan caafimad sii aamin yaa rabbi 😭

Waa Idiris Abdulkadir Mohamedddir Mohamed
Mahadsanid idiris