Safaarada Soomaaliya ee Abu Dhabi oo Warsaxaafadeed ka soo saartay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

“Anigoo ku hadlayo magaceyga iyo kan Diplomasiyinta Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, ayaa waxaan halkaan  tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaa  dhamaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaskii eheladooda ku dhintey Qaraxii wuxuushnimada ahaa ee arxanlaawiyaasha oo shalay xasuuqa ugu geeysteen cadawga  Magaalada moqdishu gaarahaan aga gaarka Zoobe KM5,  kaasoo ku nafwaayeen boqolaal Shacabka Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, kuna dhawaceen boqolaalkale, wuxuu ahaa fal argagax badan kana fog diinteena suuban iyo damiirka bani adanimo,  waxaan ilaaheey uga baryeeynaa intii dhimatey in janadiisa fardawsa  ilaaheey kawarabiyo  intii dhaawacanteyna ilaaheey siiyo Caafimaad deg deg ah.

“Allah u naxariistee Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan  masiibadaasi qaran, ayaa waxaan laqeybsaneeynaa xanuunka iyo damqashada  umadda soomaaliyeed ilaaheeyna waxaan  uga baryeynaa in uu naxariistiisa jano kawaraabiyo, qabrigoodana waasac uga dhigo intii ku dhimatey,  qoysas kii ehelladooda iyo asxaabtii ay ku waxyeeloobeena samir iyo iimaan ka siiyo intii dhawac ahna ilaaheey boqsiiyo – Aamiin”.

Safaarada Soomaaliya ee Abu Dhabi – UAE