Diblomaasiyiinta Safaarada Imaaraadka oo dhiig ugu deeqay dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dgacay Muqdisho +Sawirro

Diblomaasiyiinta Safaaraadda Dowladda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa Dhiig ugu deeqay si loo badbaadiyo nolosha walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay Qaraxii Bahalnimada ahaa ee lagu beegsaday dadka rayidka ahaa ee aan waxba galabsan ee ku sugnaa Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Isbitaalka Sheekh Zaayid ee Dowladda Imaaraadku ka hirgelisay Magaalada Muqdisho ayaa gacan ka geystay daaweynta Dadkii ku dhawacmay Qaraxii Zoobe.
Sidoo kale Isbitaalka Sheekh Zaayid ayaa gaarsiiyay deeq daawo ah qaar ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho ee la tacaalaya daaweynta dadkii ku dhaawacmay Qaraxa.
Dhanka kale owladda Imaaraadka Carabta ayaa ballan qaday inay gacan ka gaysanayso daawaynta Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii weynaa ee ka dhacay Magaaladda Muqdisho.