Ciidamada AMISOM oo ka mid noqday deeq bixiyeyaasha dhiiga lagu tabarucayo dadkii ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho

Ciidamada AMISOM ayaa ka qeyb qaadanaya howlaha loogu gurmanayo dadkii waxyeelada ka soo gaartay qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Askarta ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xaruntooda Xalane ee magaalada Muqdisho waxay isku diyaariyeen sidii ay dhiig ugu deeqi lahaayeen dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Muqdisho ka dhacay.

Howlaha kale ee ciidamada AMISOM ka qeyb qaateen waxaa ka mid ah iyagoo wata qalabka gawaarida cagafyada iyo gaadiidka xamuulka inay geeyeen isgoyska Soobe oo uu qaraxii Sabtida ka dhacay.

Burburka baaxadda leh ee ka dhashay qaraxa loo adeegsaday gaariga xamuulka ah ayaa maalintii saddexaad waxaa la baadi goobayaa dad ku hoos jira burburka dhismayaasha dumay.