Daawo: Abuu Mansuur: “Waa la yaqaan farsamada iyo dadka gacmahooda ku sameeyay qaraxii Muqdisho”

Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qaraxii ugu weynaa ee maalintii Sabtida ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoona tacsi u diray dhammaanba ehelada dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay wuxuuna u mahad celiyay dadkii gurmadka u fidiyay dadka ku dhaawacmay qaraxaasi.

Waxaa kale oo Sheekh Muqtaar uu u mahad celiyay dowladda Turkiga oo uu sheegay inay u soo dirtay Muqdisho dhawaaqtiir iyo diyaarad lagu daabulayo dadka qaba dhaawacyada halista ah, wuxuuna ugu baaqay dowladaha Islaamka ah inay iyana ka qeyb qaataan howlaha loogu gurmanayo masiibada ka dhacay Muqdisho.

“Dad ayaa dhahaya qaraxaan waxaa ka dambeeyay Black Water, balse aniga uma maleynayo inay ka dambeyso waayo ma keeni karto qof is qarxinaya” ayuu yiri Muqtaar Roobow.

Waxa uu sheegay in qaraxa iyo farsamada lagu habeeyay kuwa ka dambeeya ay yihiin Al-Shabaab, isagoona u baaqay inay u furan tahay towbad keen.

“Aniga weligey ma arag qaraxaan oo kale, waana ka horjeeday mar kasta howlaha qaraxyada, hase yeeshee waa la igula dagaalamay” ayuu yiri Sheekh Muqtaar oo ka hadlayay xilligii uu ka tirsanaa Al-Shabaab, isagoona tilmaamay in boqolaal ruux oo la laayo aanay ogoleyn diinta Islaamka iyo caqliga saliimka ah iyo xitaa qofka dhimirka la’ aanu qabali karin.

Waxaa kale oo uu ugu baaqay madaxda Dowladda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed in si wadajir ah looga hortago kooxda Al-Shabaab oo uu sheegay inay ka dambeeyeen xasuuqa ka dhacaya magaalada Muqdisho.

https://www.facebook.com/engyarisow/posts/1616418098378832