Abuu Mansuur oo dhiig ugu deeqay dhaawacyada qaraxyadii Muqdisho, kana hadlay arrimo badan

Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo horay uga tirsanaa hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab balse isaga baxay ayaa ka mid noqday mas’uuliyiinta ka qeyb qaadanaya gurmadka Qaran ee loo sameynayo dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Sheekha oo booqday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ayaa shubay dhiig loogu deeqay dadka u baahan dhiigga ee dhaawaca ah, isagoona sheegay in qof kasta oo Muslim ah looga baahan yahay inay gurmadkaasi ka qeyb qaataan.

Sidoo kale waxa uu dhowaan ka hadlayaa masiibada ka dhacday magaalada Muqdisho, isagoona la hadlaya saxaafadda isla markaana faahfaahin ka bixinaya qaraxa aadka u weyn ee geystay qasaaraha baaxadda leh.

Dhowaan ayaan idiin soo gudbineynaa shirka jaraa’id ee Muqtaar Roobow insha Allah.