Reer Muqdisho Waa looma Ooyaanka Aduunka Ku nool

Muqdisho dadka ku nooli goor walba wax ay ka hadlaan in ay doonayaan nabad iyo dawladnimo, haddana saaka xaalka waad aragtaan. Intaas oo sano maalin walba maatada aan waxba galabsan ee hortooda la gu gumaadayo waxba ka ma qabtaan.

Nabadda iyo dawladdu in ay hirgalaan waxba u ma huraan. Naftooda iyo dhiiggooda macno darrada u baxaya in ay badbaadiyaan waxba u ma huraan. Oday dhaqameedku qabiilkiisa u ma abaabulo badbaadinta nolosha maatada iyo xoojinta dawladda. Culimadu waxaa dhacaya far ma dhaqaajiso.

Aqoonyahan waxtar ah oo aragti la gu badbaado curin karaa magaalada ka ma dhex muuqdo. Dhallinyaro is hubaysa oo degaankeeda argagixisada ka safaysaa ma kacdo. Dadweynuhu maalinta la gumaadaba inta uu yara dido ayuu iska xasilaa oo nolosha iska sii wataa ilaa gumaadka xiga. Dawlad wax soo kordhisa oo waaqica fooshaxun wax ka doorisaa ma timaaddo. Kumannaan iyo kumannaan shisheeye oo hubaysan oo balaayiin Dollar ku baxdo ayaa dalka dhooban nabadna la ga ma dheefo.

Muqdisho dadkeeda ayay u baahan tahay, dadkeeduna dan ka ma leh. Runtu waa taa. Alshabaab Muqdisho ma joogi kareen haddii aan qaybo bulshada ka mid ahi oggolayn. Aqal wal oo magaalada ku yaal waa la ogaan karaa cidda joogta iyo waxa dhex yaal haddii daacad la ga yahay, laakiin daacad la ga ma aha. Baabuur iyo dameer wal oo magaalada soo gala waa la ogaan karaa waxa ku raran iyo cidda uu sido, laakiin daacad la ga ma aha. Reer Muqdisho nabad iyo dawlad shaqaysa wax ay heli doonaan oo keliya maalinta ay daacad u noqdaan.

Ilaahay dadkii shalay la gumaaday ha u naxariisto, eheladoodana samir adag ha ka siiyo, dhaawacana Ilaahay ha dhayo.