Micheal Keating:-“Al-Shabaabfal Xun ayay u geysteenshacabka Soomaliyeed”,

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keatig ayaa si kulul u cambaareyey qarixii bahalnimada ahaa ee shalay ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

War ka soo baxay xafiiska siysaadadda ee QM ee Somaaliya ayaa lagu sheegay in QM ay ay siweyn u cambaareynayso falkasi wuxuushnimada ahaa,sheegayna in Al-shabaab ay ficil xun sameeyeen.

Danjiraha Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keatig, ayaa ka hadlay dhacdadii naxdinta lahayd oo Shabaab ay u geysteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan,isagoo u rajeeyay kuwa dhaawacyada soo gaarey in ay bogsoodaan.

Danjire Micheal Keatig ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso oo naxdin leh kaas oo lagu xasuuqay dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan.

Xaaladaha aan kala sooca lahayn ee lala beegsanaayo dadka Soomaaliyeed waa fal naxariis darro ah waana dembi mudan in la cambaareeyo.” ayuu hadalkiisa raaciyay Wakiilka QM ee Soomaaliya.