ICRC iyo Ururka Bisha Cas oo sheegay inay ku dhinteen afar ka mid ah mutadawiciinta SRCS qaraxii Muqdisho ka dhacay

Muqdishu/Nairobi- Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) ayaa la murugeysan geerida ku timid afar ka mid ah mutadawiinta SRCS oo ka mid ahaa dadkii kale badnaa ee ku dhintay qaraxii weynaa oo shalay lagu qarxiyey waddo aad u mashquul badan ee Muqdisho.Tiradan waxaa laga yaaba in ay sii kororto maadaama tiro mutadawiin ah weli la la’yahay.


Anagoo weli qiimeyney doono xaaladda meesha ka jirta, tirada ku waxyeelowday ma cada jahwareerka dhashay qaraxa ka dib.Kooxaha Waxqabadka Koowaad ee SRCS isla markiiba jawaab ayey ka bixiyeen iyagoo bixiyey Gargaarka deg degga ah iyo iyagoo xaqiijyey u qaadida dadkii ku dhaawacmay isbitaalada meesha ku dhow. ICRC waxay Muqdisho ku leedahay koox qalliin si ay u taageerto adeegyada caafimaadka ee dheeraadka ah. Sidoo kale SRCS iyo ICRC labaduba waxay Isbitaalada Madiina iyo Keysaney ku taageeraan sahay caafimaad oo deg deg ah si loogu adeego boqolaalka qof oo dhaawaca ah.
Dhacdadan naxdinta leh waa xasuusin weyn ee cawaaqibka bani’aadamnimada ee colaada hubeysan Soomaaliya. “Sanad walba kumanaan qof oo rayid ah ayaa noloshhoda ku waaya Soomaaliya oo cawaaqib toos ah ku yeelaneysa colaada ka socoto Soomaaliya. SRCS iyo ICRC waxay dhammaan dhinacyada xasuusineysa in xeerka caalamiga iyo xeer-dhaqameedka uu dhawrayo dadka rayidka ah waana in la ixtiraamo mar walba,”waxaa yiri Jordi Raich, Madaxa Ergada ICRC