Dowladda Turkiga oo Ku dhawaawday in gurmad degdeg loo diro Mogadishu

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa amar ku bixiyay in diyaarad nooca gurmadka degdegga ah loo diro magaallada Muqdisho, sida lagu shaaciyay war ka soo baxay madaxtooyadda dalkaasi oo lagu faafiyay Twitterka.

Diyaarada ayaa la sheegay iney keenayso Daawooyin, Qalab iyo Shaqaala caafimaad, ka dibna ay dalka Turkiga u qaadi doonto dadka dhaawacyadoodu halista yihiin, si halkaasi loogu soo dabiibo.