Yaa leh Guryaha Shaqaalaha Bankiga Dhexe ee Soomaalieed Degmada Wadajir?

Heerarkii ay Soo Mareen Guryahaas iyo Digniin loo jeediyey Masuuliyiinta Bank-ga Dhexe  

Sida aynu dhowr  jeer Warbaahinta uga sheegnay, Guryaha Shaqaalaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo ku yaalla Degmada Wadajir, agagaarka Garoonka Dayaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho, qaybtii ugu horreysay waxaa dhismeheeda la dhammeeyay sannadka markuu ahaa 1965, markaas ka dibna waxaa la dhisay Saddex qeyb oo kale.

Bankiga oo waagaas lagu magacaabi jiray, Bankiga Qaranka Soomaaliyeed “Banca Nazionale Somala” waxaa Maamulkiisa Sare waday Saraakiil Talyaani ah oo ka socday Banca D’Italiya “Bank of Italy”. Qorshaha loo dejiyey dhulkaas wuxuu ahaa in laga dhiso 138 guri, sida ku cad Sharciga Demanyalaha ah ee dhulkaas Wasaaradda Hawlaha Guud ku bixisay, looguna talagalay oo keliya Shaqaalaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, balse inta hadda dhisan tiradoodu waa 54 guri.

Ujeeddada guryahaas loo dhisay ayaa waxay ahayd in shaqaalaha bankiga lagu dhiirrigeliyo inayan shaqada ka tagin maadaama tabbabarkooda ay ku baxday lacag iyo waqti badan, iyadoo guryaha meesha lagu dhisay ee  waagaas ahayd meel go’doon ah oo magaalada aad uga baxsan.

Waxaa kaloo intaas dheer, si uu qorshahaasi u hirgalo, Maamulka Bankiga wuxuu go’aansaday in guryaha lagu dhiso lacagta dhigaalka shaqaalaha “PENSION FUND” ka dibna wuxuu shaqaalihiisa kula heshiiyay inay deyn ahaan ku qaataan guryaha, iyadoo heshiiska lagu saleeyey habka loo yaqaanno “Kireyso oo Yeelo” (RENT TO OWN SYSTEM).

Sidaas darteed, waxaa Shaqaalaha  bil kasta Mushaharkooda laga goyn jiray Haaftooyinkii loo qoondeeyay, arrintaasna waxay si cad ugu qeexan tahay heshiiska qoraalka ah ee uu Bankiga la galay shaqaalihiisa. Saraakiisha deggen guryaha waa kuwii si karti iyo hufnaan leh u soo dhisay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, iyagoo gaarsiiyey Qaranka Soomaaliyeed inuu ka maarmo ku tiirsanaanta Bank of Italy, Saraakiishaas waxay si Sharaf leh dib xilalka kala wareegeen dhammaan shaqaalihii Talyaaniga ahaa.

Nasiib darro, horraantii sannadka 1990 ayagoo ay bilowdeen howlihii shaqaalaha loogu wareejin lahaa milkiyadda guryaha ayaa dalka ay ka dheceen isbeddel iyo qalalaaso siyaasadeed oo dowladdii xukunka heysay lagu af-gembiyay, taasoo sababtay in dhammaan howlihii Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ay hakadaan.  

Haddaba, waxaa wax lala yaabo ah in Maamulka hadda jira ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, ayagoo iska indha-tiraya heshiiska aan kor ku soo sheegnay iyo go’aan uu isla Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, Bashiir Ciise Cali, saxiixay 1da Febraayo 2007, isagoo ayidaaya in milkiyadda guryaha ay xaq u leeyihiin saraakiisha deggan. 

Haddaba, waxaa dhacday in Bashiir Ciise iyo Maryan Yuusuf oo haatan Bankiga Madax ka ah inay damceen inay guryaha ka saaraan Saraakiishii Bankiga u soo halgamay iyo qoysaskooda sharci ahaanna xaq u leh Milkiyadda guryahaas, kana iibiyaan shirkaddo shisheeye. Markii arrintaasi ay u suuroobi weyday, waxay haddana damacsan yihiin inay guryaha shaqaalaha ka iibiyaan hantiley Soomaali ah ayagoo dano gaar ah ka leh.

Sidaa darteed, waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Dawladda Federaalka Soomaaliyeed u sheegeynaa in arrinta uu Maamulka Sare Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku damacsan yahay inuu na duudsiiyo xuquuqda aan u yeelanay Milkiyadda guryahaas, taasoo horay ay Maxkamadda Sare ee Dalka noogu xukuntay inaan nahay Hantiileyaasha Guryahaas, balse loo baahan yahay inaan Maxkamadda Gobolka Banaadir kala xiriirno sidii hantidaas Milkiyaddeenna loogu soo wareejin lahaa Insha’Allaah (eeg Go’aanka Maxkamadda Sare ee Dalka (Ref: MS/20/2016BG iyo Ref:MS/71/2016BX taariikhdiisuna tahay 18 Luulyo 2016).

Haddaba taariikhdu markay ahayd September 25-dii 2017 waxaan Maxkamadda Gobolka Banaadir gaarsiinnay dacwad madani ah si loo dhammeystiro waraaqaha Milkiyadda shaqaalaha ee guryahaas, iyadoo aan u caddeynnay inaan haysanno dhammaan heshiiska iyo waraaqaha la xiriira xaqa aan u leenahay milkiyadda guryaha Shaqaalaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, hase yeeshee, ilaa iyo maanta wax war ah kama eynaan helin  Maxkamaddaas.

Ugu dambeyntii, waxaan halkan uga digeynaa hantileyda damacsan inay Guryahaas iibsadaan inaysan ku hungoobin hanti uusan Bankiga lahayn, annagoo rajeyneyna inay arrintaas beeca ah ay ka waantoobaan oo aysan hantidooda  isaga dayicin.

Wabillaahi Towfiiq.

Maxamed Xaaji Cali Maxamed

Wakiilka Sharciga ah ee 52-ka Qoys

oo ah Milkiilayaasha Guryaha