Xoghayaha joogtada Wasaaradda Ganacsiga oo ku dhintay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zope

Qaraxii ka dhacay maanta Wadada Isgoyska Zope ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu qaraxaas uu ku dhintay Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha.

Mas’uulka qaraxaasi ku dhintay ayaa ahaa Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaraddaasi Abuukar Daahiye, iyadoo la sheegay in xiligii qaraxaas uu dhacaayay uu maraayay mas’uulkaasi Wadada Zope.

Dhanka kale qaraxaasi waxaa la sheegay inuu ku dhaawacmay Xildhibaan Mahad Salaad, waxaana mar kasta sii kordhaaya khasaaraha uu sababay qaraxaasi,iyadoo dhimashada qarxaasi hadda la sheegayo inay gaarayso ilaa30-ruux.