Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay Isgooska Zope iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan oo si weyna looga maqlay inta bada nmagaalada Muqdisho uu ka dhacay meel aan ka fogeyn isgooska Zope .

Warar horu dhac ah aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday gaari weyn oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxa uuna ka dhacay meel aan ka fogeyn Hotelka Safaari oo kuyaala Isgooska Zope.

Qarax kadib waxaa la maqlayaa rasaas xoogan oo la ridayo, lamana oga in in dabley hubeesan ay ka dagaalamayaan Hotelka Safaari oo loo badinayo in bartilmaameedku ahaa.

Meydadka dad badan oo dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa yaala halka uu qaraxu ka dhacay oo aheyd goob aad u mashquul badan ay ku yaalana xarumo ganacsi sidoo kale laga raro gaadiidka dadweynaha.

Qaraxan oo ahaa mid aad u xoog badnaa ayaa sidoo kale bur buriyay dhisamyaaal badan iyo xarumo ganacsi oo kuyaala agagaarka Isgooska Zope ee magaalada Muqdisho.

Waxii Warar ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah