Gudoomiye Taabid oo dadka Muqdisho u diray farriin deg deg ah

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ugu baaqay Shacabka Magaalada Muqdisho in ay ka qeyb qaataan Gurmadka loo fidinaayo dadkii maanta ku waxyeeloobay Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in maanta Magaalada Muqdisho ay ka dhacday Musiibo Qaran oo aad u xanuun badan.

“Waxaan markale ka codsanayaa umadda soomaaliyeed in aan isbitaalada tagno si aan dhiig ugu shubno walaalaheena dhaawaca ah. Aan wadajir ugu gurmano dadka ay saameysay masiibadan. Waxaan Hay’addaha Amniga ugu baaqayaa in dadka gurmadka ah aanan wadooyinka lagu xayirin” ayuu yiri Taabid.

Qaraxii Maanta ka dhacay Muqdisho ayaa wali waxaa socota Badbaadinta dadkii ay waxyeeladu soo gaartay.

Qaraxan, ayaa waxaa lagu sheegay mid ka mid ah qaraxyadii ugu xooganaa ee ka dhaca wadada halbowlaha u ah isu socodka Magaalada Muqdisho.