Dowladda Qatar oo la sheegay inay qoranayso Ciidamo Soomaali ah

Wargeyska Almasar Al-yoom ee ka soo baxa magaalladda Qaahira iyo kuwo kale oo Carbeed ayaa qoray inay Dowladda Qatar qaadanayso Askar Somali si ay u kordhiyaan Tirada Ciiddankooda.

Wargeysyadda waxay Xogtaasi ka soo xigteen Baaritaan ay arrintaasi ku samaysay Shabakadda Wararka Garowe ee Xaruntiisa Dhexe ku taallo caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.

Dowladda Qatar waxay qaadanaysaa dhallinyarada shaqo la’aanta ku hayso dalalka saboolka ee Geeska Afrika, oo ay Somalia ku jirto, iyadoo Askari kasta mushaar ahaan bishiiba loo siinayo 6,000 oo Dollarka Maraykanka, waa sida lagu xusay Warbixintaasi.

Wargeyska Almasar Al-yoom ayaa ka soo xigtay Garowe Online inay Saraakiil sare oo ku sugan Villa Somalia ay Qoristaasi ka wadaan dhowr Maamul-gobaleedyo, waa sida lagu xusay Warbixinta.

Weriye ka tirsan Garowe Online oo ku sugan magaalladda Garowe ee Puntland ayaa sheegay inuu booqday Xafiiska Baasaboorada, halkaasi oo uu ku wareystay dhallinyaro saf ugu jirtay sidii ay u heli lahaayeen Baasabooro Somali ah si ay ugu diyaar garoobaan Qorshaha Safarka ee loogu qaadayo dalka Qatar.

Mid ka mid ah Dhallinyaradaasi oo codsaday inaan magaciisa la xusin ayaa u sheegay Garowe Online marka ay helaan Baasaboorada inay muddo 20-maalmood sugi doonaan Fiisaha dalka Qatar, halkaasi oo ay ku qaadan doonaan Tababar Milliteri si ay uga mid noqdaan Ciiddanka dalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay dhamaan Dhallinyarada aadi doona dalka Qatar mushaar ahaan loo siin doonaan 6,000 oo Dollar bishiiba, kadib, tababarkooda.
Wargeyska Almasar Al-yoom waxa uu ka soo xigtay Shabakadda Garowe Online xog sheegaysa in ugu yaraan 10 qof oo u shaqeeya Wasaaradaha Xukuumadda Federalka loo diray dalka Qatar.

Si kastaba ha ahaate, Madaxda DFS iyo Maamul-gobaleedyada weli kama hadlin sugnaanshaha Qorshaha la sheegay inay Dowladda Qatar ku qoranayso Askar Soomaali ah,mana jiraan Warar Madax-bannaan oo xaqiijinaya Warkaasi.