DEG DEG: Arday lagu laayay iskuul ku yaalla Kenya

Shan arday iyo nin waardiye ah ayaa toogasho lagu dilay iskuul ku yaal meel u dhaw xadka Kenya ay la wadaagto  Koonfurta Suudaan sida ay xaqiijiyeen warbaahinta dalka Kenya.

Kooxaha weerarka geystay ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen dhanka Koonfurta Suudaan.

Waxaa sidoo kale Kufsi loo geystay gabdho ku sugnaa Iskuulka Weerarka lagu qaaday.

Weerarkaan ayaa dhacay Saakay Aroortii, waxaana Ciidamada Ammaanka ay sheegeen in ay wali waddaan baaritaano.

Ma ay cadda cidda weerrarkan ka dambaysay iyo sababtaba.