Ciidamada Dowladda oo qarxiyay Gaari labaad oo waday Waxyaabo Qarxa

Waxaa u suurtagashay Ciidamada NISA inay gacanta ku dhigaan darawal waday Gaari Noho ah oo qarax labaad siday, kaasi oo markii dambe ciidamadu ay qarxiyeen.


Ciidamada dowladda ayaa sheegay in gaarigaasi ay ku qabteen Xaafadda Ceelqalow ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxayna ciidamadu sameeyeen Howlgalkaasi ay sameeyeen.

Dhanka kale saraakiisha Ciidamada NISA ayaa sheegay in gaarigaasi ay qarxiyeen , islamarkaana ay qabteen shaqsigii waday gaarigaasi la qarxiyay ee ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa.