Ciidamada Dowladda oo faarujiyay Degaanka Bariire iyo Al-Shabaab oo dib ula Wareegtay

Wararka ka imaanaya Degaanka Bariire ayaa sheegaya in Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay isaga baxeen Fariisimihii ay ka degenaayeen Degaanka Bariire habeenkii xalay ahayd, waxaana Aroortii hore ee saakay la wareegay Degaankaasi Maleeshiyaadka Al-Shabaab.


Al-Shabaab ayaa deegaanka Bariire ka taagay Calankooda Madow Xarunta Degmada iyo Saldhigga Ciidamada Bariire,waxaana la sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay degaanka uga baxeen dhanka Laanta Buuro ee Gobolka Shabellaha Hoose.

 

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa Dhowr jeer Weerar ku qaaday Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose, sidoo kaleTaliska Ciidamada Xoogga dalka weli kama hadlin Ciidamada ka baxay Bariire,waxayna Ciidamada Xoogga ay Degaanka Bariire la wareegeen Bishii Agoosto ee la soo dhaafay