Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ajandooyin badan ka doodi doona iyo ansin doonta heshiisyo dowladda gaartay.

Waxaa maanta kulan isugu imaan doona Xildhibaanada Golaha Shacabka , iyagoo ku shiraya xaruntooda ee Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho, waxayna maanta Xildhibaanada Cod u qaadi doonaan Heshiiska Isdhaafsiga Maxaabiista Dalalka Soomaaliya iyo India.


Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaan maalmahaan aan kulan yeelan,waxaana kulankii ugu dambeeyay uu ahaa mid u baaqday Kooram la’aan, intas wixii ka dambeeyay ma aysan yeelan kulan ay isugu imanayaan..
Dhanka kale ammaanka Xarunta Golaha Shacabka ayaa saakay si weyn loo adkeeyay,waxaana Ammaanka Xarunta sugaya Ciidamada Booliska Soomaaliya kuwooda Ilaaliya Kulamada Baarlamaanka Soomaaliya.