Al-Shabaabkii ugu badnaa oo u talaabay dhanka Kenya iyo ciidamada Kenya oo ka digay weeraro ka dhaca Lamu iyo Garisa.

Ciidamada Kenya ayaa sheegay inay xoojiyeen raadinta koox ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay inay ka gudbeen Soomaaliya una talaabeen dhinaca iyo Kenya si ay u fuliyaan weeraro lagu bartilmaamaysanayo shaqaalaha ammaanka qaabilsan oo ku sugan Magaalada xeebta ee Lamu.

David Obonyo Afhayeenka ciidamada Kenya ayaa sheegay inay ogsoon yihiin in kooxdaasi ay kasoo gudubtay Soomaaliya iyagoo soo maray Keynta Boni,meelaha uu weraradoodi uu ku wajahan yahay waxaa ka mid ah Lamu iyo Garisa oo u dhow xadka Kenya iyo Somalia.


Afhayeenka ciidamada Kenya Obonyo ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabab ay isku qeybiyeen ilaa 3 koox kuwaasi oo si weyn u hubaysan, waxayna Booliska Kenya ka digaan inay jiraan weeraro abaabulkoodi soo dhamaaday.

 

Dhanka kale Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in kooxdaas Shbaabka ah aysan lahayn xarun suurta galin karta in lagu bartilmaamaysado taasi oo adkesay in la sii joogteeyo howlgalka lagu baacsanayo.