Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto. Saacid oo gaadiid Ku wareejiyey Ciidamada Booliska Hirshabeele

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa ku wareejiyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare gaadiid loogu talo galay inay ku shaqeeyaan Ciidanka Booliiska Hirshabelle.

Gaadiidkan ayaa qeyb ka ah gaadiid Taliska Booliiska Soomaaliyeed uu ugu talo galay in lagu wareejiyo dowlad goboleedyada Dalka ka jira.