Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada Kismaayo oo maanta la filayo in la soo gaba gabeeyo

Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegay in shirka Madaxda maamul goboleedyada oo maalinkii Saddexaad ka socda magaalada Kismaayo maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo, iyadoo gabagabada laga soo saarayo ar-murtiyeed wadajir ah oo madaxdu isla ogo lyihiin.

 


Shirka oo soo bilowday Axadii ayaa shalay ilaa xalay waxaa socday doodo aad u kulul iyo qodobada shirka looga hadlayo inay isku waafaqaan Madaxda Dowlad goboleedyada.

 

Go’aamada Madaxda ay dhici karto inay isku raacaan inay samaystaan Golle ay ku mideysan yihiin Madaxda Dowlag goboleedyad, waxaana maanta lagu wadaa inuu Kismaayo gaaro Wakiilka gaarka ah ee QM arrimaha Soomaaliya, si uu ula socdo go’aanada ka soo baxaya Madaxda Maamul Goboleedyada.