Shirka Madaxda maamul goboleedyada oo maalinkii Saddexaad ka socda magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo, war-murtiyeedna laga soo saaro.
Dad badan waxay isway diinayaan xildhibaano dhintay ama xildowladnimo haya maxaa deedan in xilkaa la buuxiyo
Arimaha dastuurka ee la isku hayaa way badan yihiin. Dadka intiisa badan waxaa u muuqda arimo yar oo xal laga gaari karo dhibaatada ugu weyn waa sidee cadaalad loogu qayb sadaa xilka dawlada ee u baahan in dib u eegis lagu sameeyo shirka kismaayo wuxuu xal u yahay in si cadaalada oo wanaagsan hanaanka dawladnimo ee Faderaalka dib u eegis lagu sameeyo
Waxaa suurta gal ah in Madaxweynayaasha dawlad gobaleedyadu ay ka dagaan magaalada Muqdisho, oo ay ogalaadeen codsi uga yimid Madaxda dawlada faderaalka
Arimaha in warmurtiyeedka lagu soo saari doono waxaa ugu waa weyn in xal siyaasadeed lagu dhameeyo khilaafka madaxda galmudug
Sida dawlada Faderaalka xilka waa weyn gaar si siyaasadeed looqeyb sankari safiirada agaasimayaasha guud maareeyaash iwm.
Arrimaha Khaliijka, Deeqaha laga helo caalamiga ah iyo sida shirka caalamiga go’aan isku mida lalatago
Arimahaa oo dhan waa astaamaha dawlad wanaaga hadaan Qoryo la isku qaadan soomaliya meel wanaagsen ayey maraysaa hadii fikirada siyaasadeed la mideyn karo oo danta guud lawa qaato.
Qormadii Maxamed Caalim