C/laahi Sheekh Cumar oo ah sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa ka badbaaday weerar ay ku qaadeen maleshiyaadka Al-Shbaab, waxaana soo gaaray dhaawac sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka.
Sarkaalkaasi la weeraray ayaa ahaa Agaasimaha Waaxda shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo Al-Shabaab sheegtay inuu soo gaaray sarkaalkaas dhaawac halis ah, hase yeeshee waxaa la ogaaday inuu yahay dhaawacaasi mid Fudud, iyadoo lala tacaalayo xaaladiisa Caafimaad.
Dhanka kale Al-Shabaab ayaa rasaas ku furay sarkaalka xilli uu shidaal ku shubanayay Gaarigiisa Kaalin shidaal oo ku taala degmada Dharkeynlay ee magaalada Muqdisho.