Madaxweyne Xaaf : “Dowladda waxay ii soo dirtay ciidamo aniga i soo qabta,kuwaas oo..”

Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo ka qeyb galaya shirka ka socda Magaaladda Kismaayo ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka ah ee Soomaliya inay u soo adeegsatay Ciidamada Nabad Sugida iyo kuwa Xoogga dalka Soomaliyeed si ay gacanta isaga ugu dhigaan.


“Waxay ii soo adeegsatay Dowladda Federaalka Soomaliya Malatariga iyo Nabad Sugida si ay ii qabtaan, waa nasiib daro in talaabadaas ay madaxda Dowladda Soomaliya ay qaadaan, madaama waxyaalo ay ka dhaceen halkaan ku suganahay waxaa loo baahnaa iyo wixii jira oo cabasho ah in la xaliyo, oo la adeegsado odayaasha”, ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Dhanka Kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaliya inay ka shaqeyso hormarka Maamulka Galmudug intii la dumin lahaa.