Waxaa Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ka Furmey Tababar loo qabtey Umulisooyin kuwaa oo Wasaarada caafimaadka ay dooneyso in ay la tacaalaan haweenka Uurka leh ee Barakacayaasha ah ee Dalka Dib ugu soo laabanaya kuwaa oo mar waliba la kulma Dhibaatooyin islamarkaan aan helin Daryeel Caafimaad.
Tababarkaan oo soconaya Muddo Tododbaad ah ayaa ka qayb agalayaa Umulisyooyin tiradodoa gaaraysa 30 Umuliso kuwaa oo ka kala yimid Gobolada Banaadir iyo Shabeelada Hoose waxaana Furitaanka tababartkaan ka hadley Xoghayaha ururka Umulisooyinka Soomaaliyeed Xaawo Cismaan waxayna sheegtey in Tababarkaa uu wax weyn ka tari doono Haweenka Uurka leh ku jira Xeryaha Barakacayaasha maadaama ay yihiin Haween Xaaladooda caafimaad ay aad u liidato.
Xubnihii kale ee halkaa ka hadley waxaa ka mid ahaa Dr Cabduqaadir Weheliye Afrax oo Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada u qaabilsan la Taliyaha Taranka Hooyada iyo Dhalaanka waxaana uu yiri “Tababarkaan Ujeedkiisu waa wax ka qabashada Xaaladaha Deg dega ah ee mar waliba la soo Gudboonaadaan Haweenka Uurka leh ee Barakacayaasha kuna soo laabanaya Dalka” waxaa uu intaa sii raaciyey.
“Sidoo kale tababarkaan oo ay ka qayb galayaan Umulisooyin aad u tababaran waxaa xooga lagu saari doonaa wax ka qabashada Xadgudubyada haweenka iyo waliba Gudniinka Fircooniga oo dhibaato ku haya Haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Uurka leh marka ay dhalayaan.
Tababarkaa ayaa waxaa iska kaashadey wasaarada Caafimaadka,iyo Hayada UNFPA Halka ay Dhaqaalaha ay ku taakuleeyeen Dowlada Jabaan Tababarka noocaan oo kale ah oo lagula tacaalayo haweenka Uurka leh ma aha markii ugu horeysey ee loo qabato Umulisooyin waxaana horey loo qabtey tababaro Noocaan oo kale ah maadaama Soomaaliya lagu tiriyo Wadamada uigu dhimashada Badan gaar ahaan marka ay Foosha Timaado kuwaa oo aan helin Adeegyadii loo baahnaa ee dhinaca Caafimaadka.