Mareykanka oo doon doonaya Hogaamiye ka tirsan Al-Shabaab lacago badana madaxiisa dul dhigay.

FBI-da Mareykanka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Malaayiin Lacag ah Madaxiisa la dul dhigay Hogaamiye sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.
Hogaamiyahaan la baadigoobayo ayaa Magaciisa lagu sheegay Jihaad Mustafa,waxaana Al-Shabaab dhexdooda looga yaqaanaa Anwar Al-Ameeriki,iyadoo FBI Mareykanka Madaxiisa ay dul dhigtay Lacag dhan 5 Milyan oo Dollarka Marerykanka ah.


Dhanka kale Anwar Al-ameeriki oo ah 35 Jir ayaa la sheegay inuu yahay Hogaamiyaha Ajaanibta la joogta Al-shabaab,waxaana FBI Mareykanka ay sheegeen inuu badali doono Hogaamiyaha Guud ee Al-qaacida, iyadoo Dowladda mareykanka ay sheegtay in Nolol iyo Geeri intaba la doon doonayo Jihaad Mustafa.