Ammaanka magaalada Kismaayo oo la adkeeyay

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa Aad loo adkeeyay, waxaana la xiray qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada Kismaayo.

Ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwo AMISOM ayaa si wadajir ah u sugaya Ammaanka.

Xaafaddaha Magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale xalay waxaa laga sameeyay howlgallo Amniga lagu xaqiijinaayay.

Boqolaal qof oo Shacab ah ayaa loo diyaariyay soo dhaweynta Madaxda maamul goboleedyadda.

Waxaa saacaddaha soo socda Kismaayo gaari doona Wafdi ka socda maamulada Galmudug, Puntland iyo Hirshabeelle.

Shirka Axadda ka furmaya Kismaayo ayaa waxaa dhaliilsan dowlada Soomaaliya.