Shabeel Weerar ka gaystay Degmada Wanla wayn ee Sh/Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Degmada Wanla Wayn maanta uu halkaasi weerar ku soo qaaday Xayawaanka la yiraahdo Shabeel kaasi oo in ka badan 7-ruux ku dhawaacay degmadaasi.


Dadka ku dhqan Degmadaasi ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in weerarkaasi Shabeel-ka uu jiro, waxaana dadka ku dhaawacmay weerka Shabeelka ka mid ahayd Gabar, taasi oo uu dhaawaca ka soo gaaray qeybaha sare jirkeeda.

Dhanka kale Waa markii ugu horaysay oo uu weerar ka gaysto Shabeel Degmada Wanla wayn, iyadoo Mas’uuliyiinta Degmadaasi ay sheegeen inaysan ogeyn sababta keentay in Shabeelka uu soo qaado weerarkaan.