QM Iyo IGAD Oo Ka Wada Hadlay Xaaladda Muhaajiriinta Soomaalida

Qaramada Midoobay iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa ka shiray xaaladda Muhaajiriinta ka soo jeeda dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxa uu u dhaxeeyay Hay’adda dhanka socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobay iyo IGAD.

Madaxda ka qeyb gashay Shirka ayaa si qoto dheer uga hadlay dhibaatooyinka ay wajahayaan Muhaajriinta.

Waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay wax qabad muuqdo, si meesha looga saaro dhibaatooyinka haatan jira.

Hay’adda IOM ayaa shaacisay in ay ka go’an tahay wax ka qabashada daruufaha ay wajahayaan muhaajiriinta, xilli lagu dhibaateeyo Dalal ay ka mid yihiin Yemen iyo Liibiya.