Kooxo Hubaysan oo sarkaal Ka tirsan Ciidanka Dowladda Hoose ku dilay Magaalada Muqdisho.

Rag ku hubaysnaa Bistoolado ayaa maanta sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda Hoose ee Muqdisho ku dilay Xaafadda Suuq Bacaad degmada ee Goblka Banaadir.


C/fataax Cumar Xalane Afayeenka Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay in dilka sarkaalkaasi uu jiro, isagoo sheegay inay wadaan baaritaano arintaas ku saabsan.
Dhanka kale Sarkaalka la dilay ku hawlanaa qaadista canshuuro uu ka aruurinaayay ganacsatada ku sugan Busteejada Suuq Bacaad ee gobalka Banaadir.