Baabuur qaraxyo laga soo buuxiyay oo Muqdisho laga baadi goobayo

Laamaha amaanka iyo ciidamada xasilinta caasimada Muqdisho ayaa saacadihi lasoo dhaafay waday howlgalo baaritaano ah, iyadoo kor loo qaaday sugida amniga magaalada Muqdisho, kadib markii la helay xog sirdoon oo sheegeysa in labo baabuur oo qaraxyo ay ku raran yihiin gudaha magaalada Muqdisho soo galeen.

Labadaan baabuur ayaa la sheegay in qorshahoodu yahay in lagu bartilmaameedsado goobo u cayiman Al-shabaab, waxaana ciidamada xasilinta amaanka iyo laamaha kale ee amniga ay sare u qaadeen feejignaanta,

24-kii saac ee lasoo dhaafay ayaa laamaha amaanka ay sare u qaadeen howlgalada iyagoo ka feejigan weeraro lagu dhamaado oo gawaaridaasi ka gestaan goobaha u qorsheysan.

Gaadiidka isticmaala wadooyinka Muqdisho ayaa si aan horay loo arag loo baarayaa, waxaana wadooyinka qaar ee gala xaafadaha la dhigay ciidamo dheeri ah.