Banaanbax maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Boqolaal ka mid ah dadka ku nool Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay Maanta  banaanbax ka dhigeen Xaafado ka tirsan Magaaldaas,kaas oo ahaa mid Nabadeed.

Cabdifitaax Jante oo ka mid ah banaanbaxayaasha ayaa Dalsan u sheegay in banaanbaxaan uu ahaa mid  Nabadeed isla markaana inta badan laga dhigay Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo oo ay kala maamulaan Puntland iyo Galmudug.

Waxa uu sheegay in ay ku dalbanayeen banaanbaxaan in colaada ka jirta tuulooyinka hoostaga Gaalkacyo in aysan saameyn Gudaha Magaalada isla markaana ay isku furnaadaan Wadooyinka Guud ahaan Gaalkacyo.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in iyagu ay ahaayeen dhalinyaro si iskood ah isku xilqaamay kuwaas oo taageerayay Nabada Magaalada Gaalkacyo maadaama hadii ay Colaad dhcdo ay iyagu saameyneyso.