Maqaal: Qar iska tuurnimo mise qorshe siyaasadeed???

 

Inkasta oo qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka iyo doowladda dhexe xiriirkoodu uu mugdi sookala dhexgalay marka laga hadlayo qadiyadda qadar iyo wadamada uu sacuudigu horkacayo ayaan waxaan jecleeystay inaan caawa ka hadlo saameeynta eeyku yeelan karto maamul gobaleedka galmudug kaasoo awalba la daalaadhacayey siyaasado is diidan taasoo eey adkaatay in la furdaamiyo hadda kahor.

Si kastaba arintu ha ahaatee madaxweeynaha dowladgobaleedka galmudug mudane axmed ducaale geelle xaaf ayaa ku dhaqaaqay siyaasad hoowtul hamag nimo ah taasoo lagu tilaami karo indha la’aan eeysan muuqan halka usheeda la dhigayo mana muuqato dhib iyo dheef lakala dooranayo oo lagu qancin karo dadka waana qorshe la oran karo in uu ku dhaqaaqay waxa loo yaqaanno RISK TAKE mana jirto sabab uu ugu bareero qattar intaa laeg iyo faaiido uu gaarayo waaba hadii uu ka badbaado qatarta uu u bareeraye.

TUSAALE
1 maamulka GALMUDUG wuxuu dagaallo lagu hoobtay la galay maamulka eey deriska yihiin ee PUNTLAND maadaama galmudug eey ahayd maamul curdin ah waxaa lagu xaman jirey in doowladda dhexe siin jirtay taageero hiil iyo hoobaleh waa galmuduge

2 GALMUDUG isku dhacyo soo noqnoqday guluf iyo gaadda buur colaadeed oo xoogan kala dhexeeyey maamulka DGGD EX: AHLUSUNNA mana jirin halmeel oo u furan maamulka uu garwadeenka kayahay mudane XAAF Markii laga reebo dhinaca cirka taasoo eeyka heli jireen taageeradooda milatery iyo tan caafimaad intaba waana cawaaqib xun oo qof kastaa garan karo waxa ka imaan kara hadii adigu dadka aad metesho aad kasoo xirto halkii irid ee u furnaa waxaana dhab ah in nacabkaada iyo nasteexaaduba eey korjoogto ka yihiin jaanisyadaada siyaasadeed iyo weliba marka aad idkantahay iyo marka aad awoodleedahay intababa.

Marse hadii xiriirkii dowladda dhexe uu meesha xaafka saaray waa in uu ogaadaa in eeytahay xamar halka maamulkiisu uuka heli jirey HUB IYO HU intaba iyo weliba mid caafimaad hadeeytahay xitaa GAARSO marka ma moodaa MUDANE IYO MARWO ineey maanta taagantahay

HALKEE DHAANKA LOO RARI RAGBAA DHABABAY CEELKIIYE?

BY Hal Abuur Ahlullaah Salaad