Kooxo Hubaysan Nabaddoon caan ah ku dilay duleedka Magaalada Garbahaarey

Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa Nabadoon caan oo goordhow lagu dilay magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, kadib markii ay soo weerareeen kooxo Bistoolado wadatay agagarka deegaanka Qur’aan Googoo oo u dhexeeya magaalooyinka Garbahaarey iyo Luuq ee Gobolka Gedo .


Kooxihii ka dambeeyay dilka Nabadoonka ayaa isaga baxsaday goobta ay dilkaa ka fuliyeen, waxaana Nabadoonka la dilay lagu magacaabi jiray Nabaddoon Xuseen Maxamuud Macalin oo lagu naanaysi jiray Xuseen Dhafoor.
Nabadoonka la dilay Alle ha u naxariistee wuxuu ka mid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaanadii lagu soo doortay Magaalada Kismaayo ee ka mid ah 2-da Golle ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.