Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo isga iyo madax kale lagu soo rogay amar ah Xabsi guri.

Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in isaga, Madaxweyne Ku xigeenka Iyo Gudoomiye Ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug in laga wada dhigay sadaxdooda xabsi guri oo aysan ka soo bixi karin gurigooda.


Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo la hadlay Idaacadda VOA-da laanteeda Af-Soomaaliga ayaa sheegay in markii horeba uu deganaa Madaxtooyadda Galmudug, haddana loo diiday inuu ka soo baxo, isagoo sheegay inuu amarkaasi soo saaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo ay ku kala aragti duwanaadeen go’aankii dhawaan madaxweyne Xaaf uu ka qaatay Xiisadda u dhaxeysa wadamada Khaliijka.
Cali Gacal Casir ayaa sheegay in isaga Madaxweyne Ku xigeenka Iyo Gudoomiye Ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug in laga wada dhigay xabsi guri oo loo diiday wax dhaqdhaqaaq ah taasina ay halis ku tahay jiritaanka Maamulkaasi.
Dhanka kale khilaafka maamulka Galmudug ayaa cirka isku sii shareereyay maalmihii la soo dhaafay, hase yeeshee waxaa xalay ku shiray Madaxtooyada galmudug xubnaha ugu sareeya maamulkaasi.