Madaxweyne Trump oo sii balaariyay Amarkii uu Mareykanka uga Mamnuucay Dalal ay Soomaaliya ku Jirto

Donald Trump Madaxweynaha Maraykanka ayaa ballaariyay amarkii uu dalkiisa uga mamnuucay inay soo galaan muwaadiniinta qaar ka mid ah dalalka Islaamka, isaga oo hadda ka dhigay sideed dal.


Madaxweynaha Maraykanka ayaa amarka cusub ee uu soo saaray waxaa la sheegay inuu dhaqangali doona 18-ka bisha October, isagoo amarkaasi saameyn doona dadka u dhashay dalalka Chad, Iran, Libya, Kuuriyada Waqooyi, Somalia, Syria, Venezuela iyo Yemen.
Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in dalalkani ay diideen inay Mareykanka la wadaagaan xogta ku saabsan argagixisada iyo arrimo kale.
Ku dhawaaqista go’aankan cusub ayaa imanaya xilli uu dhacayo 90-ki maalmood ee uu madaxweyne Trump u qabtay amarki uu muwaadiniinta lix wadan oo Muslim ah uga mamnuucay inay Mareykanka ku soo galaan., waxayna dalalkaasi kala ahaayeen Iran, Libya, Somalia, Sudan, Syria iyo Yemen.
Dhanka kale Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka ee marka loo soo gaabiyo (CAIR), ayaa wareegtadan cusub ee Trump ku tilmaamay qeyb ka mid ah ajandayaasha foosha xun ee kooxaha caddaanka ah ee rumeysan inay ka sareeyaan dadka intooda kale.