Galmudug Iyo Puntland Oo Kulan Ka Yeeshay Nabadda Gobolka Mudug

Saraakiisha ammaanka ee maamullada Galmudug iyo Puntland ee Gobolka Mudug ayaa maanta kulan deg deg ah ka yeeshay Nabadda Gobolkaasi Mudug.

Kulankan oo ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa looga hadlay xiisadaha colaadeed ee ka soo cusboonaaday Bariga Gobolkaasi.

Waxaana kulanka shir guddoomiyay guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka Puntland Xasan Maxamed Xuseen “Abgaalow”.

Saraakiisha iyo madaxda ka qeyb galay kulanka ayaa si aad ah diirada u saaray sida ugu fudud ee loo xalin karo colaadaha ka jira Gobolkaasi, loogana hortagi karo in markale dagaallo ay ka dhacaan bariga Gobolka mudug.

Dhawaan ayay ahayd markii maleeshiyaad kala taabacsan Galmudug iyo Puntland ay ku dagaalameen deegaanka Cali Waal ee duleedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana weli halkaasi ka taagan xiisad u dhaxaysa maleeshiyaad ka kala tirsan maamulladaasi.