Angela Merkel oo markii afaraad Ku guuleysatay doorashadii dalka Jarmalka

Doorashada madaxtinimada dalka Jarmalka ayaa Angela Merkel Markii afaraad Ku guuleysatay sida ay shaaciyeen korjoogayaasha doorashada.

xisbiga isbahaysiga muxaafidka CDU/CSU oo ay hagaamiso howeyneyda guuleysatay waxay heleen 32,5%, halka xisbiga Social Democratic ay heleen 20%, hogaanka xisbigaan waxaa uu sheegay inuu mucaarad noqon doono.

Doorasha sanadkan ayaa noqotay mid lala yaabo kadib Markii xisbiga AfD uu helay 13,5% codod gaaraayo, Angela Merkel ayaa sheegtay iney fileysay codod intaasi ka badan.

Doorashada oo shalay ka bilaabatay sideedii subaxnimo iyadoo la soo xiray lixdii maqribnimo ee saacada yurubta dhexe, ayaa dadkii codeynayey ayaa ka yaraa diorashooyinkii afarta sano ee la soo dhaafay

Angela Merkel ayaa waxaa dhisi doontaa dowlad isbahaysi taasoo diyaarinteeda ay qaadan karto bilooyin iyadoo xisbiyada kale aan la hubin inay doonayaan inay ka qeybgalaan dowlad wadaag ah.

Merkel ayaa muddo 12 sano ah waxa ay u ololaheeda doorashada ahayd mid ay ku galaysay inay hoos u dhigeyso shaqo la’aanta,kobcinta koriinshaha dhaqaalaha,miisaaniyad dheelitiran iyo xiriirka dibadda in sare loo qaado.

Guushan ay gaartay haweeneydan 63-jirka ah ayaa ka dhigeysa in ay la mid noqotay hogaamiyihii hore Helmut Kohl oo ahaa hogaamiyihii ugu waqtiga dheeraa ee soo maamulayay dalka Jarmalka kadib dagaalkii 2aad ee dunida.

Cabdirashiid Shaam

Jarmalka