Wariye Coldoon oo lawaydiiyay Inuu Xil ka qabtay Dowlada Farmaajo *Daawo*

Warar dhawaan soo baxay ayaa sheegayay in Wariye ahna Samafale Cabdi maalik Coldoon xil cusub looga magacaabay dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Laakiin Wareysi uu bixiyay ayuu Cabdi Malik uga hadlay arintaas iyo joogitaankiisa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa uu ka sheekeeyay qisooyin yaableh oo uu ku arkay magaalada Muqdisho iyo hadii uu ku laabanayo Somaliland.

Somaliland ayaa xili hore xabsiga dhigtay Wariye Coldoon iyadoo ku eedeysay inuu Soomaaliweyn taageersan yahay.